hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Masjid la duqeeyay iyo Muslimiin badan oo ku geeriyootay

March 17, 2017   //     //   News972 Views

Muslimiin tiradoodu gaadhayso 58 ruux ayaa ku geeriyooday duqeyn dhanka cirka ah oo lagu qaaday masjid kuyaala Tuulada Al-jinah ee galbeedka magaalada Xalab(Aleppo).

Diyaarada duqeysay muslimiinta masjidka ku cibaadaysanayay ayaa la aaminsanyahay in laga lahaa dalka Ruushka,inkastoo wararkii hore ee saaka soo baxay ay sheegayeen in duqeyntu ahayd mid Mareykan.

Wararku waxay sheegayaan in dad dhan 200-300 ay ku sugnaayeen Masjidka xiligii ay duqeyntu dhacday iyadoo la aaminsanyahay in dhimashadu intan ka sii badan doonto maadaama dad badan ay ku hoos aasmeen burburka masjidka.

Ruushka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ee duqeynta ka wada dalka Suuriya ayaa waxay si isku mid ah ubartilmaameydsadaan goobaha shacabka ku noolyahay iyo masaajida Alle lagu caabudo waana arinta sababtay in tirada dadka ku dhintay dagaalada Suuriya ay kor udhaafto rubuc malyuun qof malaayiin kalana ay ku barakacaan.masjid1masjid2

Readers Comments (0)

Comments are closed.