hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Masar oo shaqadii ka joojisay Sheekh taageeray Turkiga

March 19, 2017   //     //   News1279 Views

Dowlada Masar ayaa shaqadii ka joojisay Sheekh khudbadii Jumcaha ku soo qaatay xiisada ka dhex aloosan Turkiga iyo Holland.Sheekha ayaa la sheegay inuu la saftay mawqifka Turkiga cambaareeyayna dalka Holland.Wasaarada arimaha diinta ee dalka Masar ayaa Sheekha ku eedaysay inuu siyaasadeeyay khudbadii Jumcaha sidaas darteedna muda sadax bilood ah laga joojiyay shaqadii.

Talaabada ay qaaday wasaarada arimaha diinta ee Masar ayaa la cambaareeyay waxaana la sheegay in arinta Sheekha shaqada looga joojiyay ay tahay oohintu oohin orgi ka weyn ayna la xidhiidho arimo siyaasadeed.

Culimo arintan ka hadashay ayaa sheegay in hadii Sheekhu khudbadiisa ku cambaareyn lahaa Turkiga aan waxba laga soo qaadeen.

Xidhiidhkii udhaxeeyay dowladaha Turkiga iyo Masar ayaa xumaaday kadib markii la afgembiyay xukumadii uu madaxda ka ahaa madaxweyne Maxamed Mursi.Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayipp Erdogan ayaa cambaareeyay afgembigii uu xukunka kula wareegay Cabdul-fataax al-Sisi,laga soo bilaabo xiligaas labada dal ma aysan yeelanin xidhiidh diblomaasiyadeed.

Readers Comments (0)

Comments are closed.