hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal udiray madaxweynaha Kenya

February 16, 2017   //     //   News1988 Views

kenyatta dhambaal1Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal udiray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.Dhambaalkan ayaa waxaa loo soo dhiibay oo madaxweyne Kenyatta gaadhsiiyay kusimaha wasiirka arimaha dibadda Cabdisalaan Hadliye iyo qunsuulka safaarada Somalia ee Kenya Cali Maxamed Bagadi.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhambaal uu ka helay madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in fariinta madaxweyne Farmaajo udiray Uhuru Kenyatta ay ahayd casuumaad uu ufidiyay madaxweynaha Kenya inuu ka soo qeybgalo xaflada caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Somalia taas oo ku beegan 22-ka Bishan.Madaxweyne Kenyatta ayaa la sheegay inuu aqblay casuumaada uuna kasoo qeybgeli doono xaflada.

Waxaa jira warar aan rasmi ahayn oo sheegaya in dowlada Kenya aysan soo hambalyaynin madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.Hoos ka daawo sawiro ku saabsan kulankan oo uu bartiisa twitterka ku faafiyay madaxweyne Kenyatta.kenyatta dhambaalkenyatta dhambaal

Readers Comments (0)

Comments are closed.