hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Dhagayso Madaxweynaha South Africa oo ku baaqay inaan la booqanin Israel

January 9, 2017   //     //   News880 Views

zumaMadaxweynaha dalka South Afrika Jacob Zuma oo khudbad dheer ka jeediyay xuska sanad guuradii 105-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii xisbiga African National Congress(ANC) ee ah xisbi xaakimka dalka ayaa sheegay in xisbiga ANC uu garab taagan yahay dadyowga dulman,wuxuuna carabka ku dhuftay Cuba,Western Sahara iyo Falastiin.

Madaxweyne Zuma ayaa khudbadiisa ku soo qaatay qadiyada Falastiin,wuxuuna sheegay in wali ay sii socoto dhibaatada lagu hayo dadka reer Falastiin ee xaqa iyo xoriyad doonka ah.

“Dadka reer Falastiin waxay wali dhibaato ugu jiraan sidii ay cadaalad iyo xornimo ku heli lahaayeen,Xisbiga ANC wuxuu balan qaadayaa inuu sii wado taageerada iyo garab istaaga dadka reer Falastiin sidii ay ku gaadhi lahaayeen xornimadooda.Waxaan ku baaqaynaa inaan la booqanin Israel,wixii aan ka ahayn booqasho nabad raadin ah.Waxaan dadka reer Falastiin ugu baaqaynaa inay umidoobaan qadiyadooda,waxaan taageersanahay qaraarkii kasoo baxay golaha amaanka ee qaramada midoobay ee tirsigiisu ahaa 2334,” ayuu yidhi madaxweyne Zuma.

Hoos ka dhagayso hadaladii madaxweyne Zuma ee ku saabsanaa qadiyada Falastiin

Codka:SABC

Readers Comments (0)

Comments are closed.