Xaysiis
digg icon delicious icon

Madaxweynaha Jubbaland Ayaa Cambaareye qaraxii Maka Al-Mukarama

March 1, 2019   //     //   News205 Views

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa cambaareeyay Weerarka Argagixisadu ay xalay ka gaysatay Magaalada Muqdisho kaas oo ay ku xasuuqeen dad aan waxba galabsan oo nolol maalmeedka la halgamayay.

Madaxweynahu wuxuu Allah uga rajeeyay in naxariistii jano uu ka waraabiyo dadka goobta ku dhintay kuwa dhaawacmayna uu caafimaad taam ah siiyo.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan dadka uu dhibku gaaray oo ay la qaybsadaan xaalada ay ku sugan yihiin isagoo sheegay in Argagixisada isku duubni iyo wadajir lagaga adkaan karo

Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka Sidookale  sheegay in gudaha u galeen Hotelka ay weerareen islamarkaana ay ka dhex dagaalameen.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadlin weerarkaan, balse saacadaha soo socda ayaa la filayaa inay ka hadlaan

 

Wariye Ismaaciil

Ismaaciil84@gmail.com

Jubbaland  Kismaayo

Readers Comments (0)

Comments are closed.