hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Madaxweynaha Jubaland iyo Safiirka UK oo ku kulmay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo

September 10, 2017   //     //   News378 Views

cancar iyo axmed madoobeWaxaa magaalada Kismaayo booqasho kuyimid safiiirka UK ee Somalia David Concar.Madaxweynaha Jubaland ayaa safiirka ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo halkaas oo ay kulan kooban ku yeesheen.Madaxweynaha iyo safiirka ayaa kulankooda kusoo qaaday xidhiidhka labada dhinac iyo mashaariicda UK ka fulisay Jubaland iyo sidii loo soo dhameystiri lahaa mashaariicda UK ugu talagashay inay ka fuliso deegaanada Jubaland.Kulanka kadib madaxweynaha iyo safiirku waxay booqasho ku tageen goob xarun looga dhisayo ciidanka sirdoonka Jubaland oo dowlada UK ay maalgelinayso.concar

Waxay sidoo kale labada masuul la kulmeen qaar kamid ah bulshada magaalada Kismaayo iyadoo kulankan lagu soo hadal qaaday mashaariicda UK ka wado deegaanada Jubaland.

Readers Comments (0)

Comments are closed.