hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Madaxweynaha DFS iyo Madaxwaynaha Puntland oo lagu Soo Dhaweeya Magaalada Qardho(SAWIRRO)

January 10, 2018   //     //   News2758 Views

Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeya Magaalada Qardho .

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiwe Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10 jan-2018 ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Qardho .

Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa soo dhawayntooda ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar .

Madaxwaynaha iyo wefdigiisa yaa kahor inta aanay soo gaadhin magaalada Qardho waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay degmada Dangorayo ,halkaas oo ay kasoo dhagax dhigeen waddo laami ah oo isku xidhidoonta magaalooyinka Dangorayo iyo Eyl .

Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaliya iyo Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Qardho waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay, gudoomiyaha Gobolka Karakaar , duqa degmada Qardho , qaar ka mid ah Golayaasha dawladda Puntland, iyo dawlaadda federaalka Soomaaliya , isimo, Salaadin , Cuqaal , waxgarad iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho .

Dhinaca kale Madaxweynha Dawladda Puntland Iyo Madaxweynaha DF ee Soomaaliya ayaa waxaa ay ka hadleen munaasabadii soo dhawaynta ahayd ee loogu sameeyay magaalada Qardho , iyagoo bulshada kala hadlay goob fagaara ah oo ay isgu yimaadeen kumanaan ka mid ah bulshda gobolka Karkaar waxayna uga mahad-celiyeen soo dhawaynta balaadhan ee ay ku Maamuuseen .

Sidoo kale Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxa uu hadhima-sharafeed usameeyay Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Mdaxwaynaha DF Soomaaliya , isla mar ahaantaana waxaa uu boqorku hadiyado hiddaha iyo dhaqanka ah oo uu ugu talagalay in uu ku Maamuuso Gudoonsiiyay Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya iyo weliba siyaasi Salaad Cali Jeele.

Boqorka ayaa wax uu halkaasi ka jeediyay hadalo mahad naq ah oo uu kusoo dhawayanyo Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha Dawladda FD soomaaliya .

Ugu danabayn Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliaya ayaa waxa ay dhagax-dhigeen dhisme ay yeelan doonto jaamacadda umadda soomaaliyeed faraceeda magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.5I2A9030

5I2A9039

5I2A9047

5I2A9048

5I2A9049

5I2A9068

5I2A9080

5I2A9096

5I2A9111

5I2A9115

5I2A9129

5I2A9227

5I2A9228

5I2A9304

5I2A9325

5I2A9329

5I2A9350

5I2A9352

5I2A9361

5I2A9395

5I2A9404

5I2A9412

5I2A9430

5I2A9439

5I2A9441

5I2A9442

5I2A9443

5I2A9452

5I2A9464

5I2A9478

5I2A9484

5I2A9488

5I2A9602

5I2A9613

5I2A9617

5I2A9618

5I2A9621

5I2A9624

5I2A9625

5I2A9633

5I2A9634

5I2A9637

5I2A9640

5I2A9666

5I2A9682

5I2A9693

5I2A9707

Readers Comments (0)

Comments are closed.