Xaysiis
digg icon delicious icon

Gaara Bidhaan:Madaxtooyada Jigjiga iyo Garoonkuba Meel lagu tukado maleh!

September 15, 2018   //     //   Media News, News588 Views

garoonItoobiya waxaa ka dhacay isbadal balaadhan oo saameyn weyn ku yeeshay dhamaan qoomiyadaha kala gedisan ee kunool Itoobiya.Waxyaabaha ugu muhiimsan ee isbadalkani uu saameeyay ama uu wax ka badalay waxaa kamid ah xoriyatul qowlka,dhaqaalaha,siyaasada iyo aragtida iyo qaab fikirka qofka muwaadinka ah ee maanta Itoobiya kunool.Inkastoo isbadalkani uu Itoobiya ka dhacay muda hada laga joogo 6 bilood hadana deegaanka Soomaalida hada umbuu shucaaciisu soo gaadhay.Yididiilo fiican ayaa kajirta Deegaanka Soomaalida hase ahaatee waxaa deegaanka kajira fikirkii gumeysigu uu dhaxalsiiyay dadkeena kaasoo sanado badan qaadan doona in laga dhaqo maskaxda dadka.

Arimaha Diinta
Qoomiyad kasta waxa ay xor utahay una madax banaantahay ku dhaqanka iyo horumarinta arimaha Diinteeda.Deegaanka Soomaalidu waa dad 100% Muslim ah marka laga tago qoomiyadaha tirada yar ee arimaha ganacsiga iyo shaqada ugu dhex nool.Markii la dhisayay madaxtooyada DDS ee Jigjiga laguma fikirin war dadku waa Muslimiin ee dhismayaasha la dhisayo Masjid ha lagu daro.Majiro sharci diidaya in madaxtooyadu Deegaanka Soomaalidu Masjid yeelato.

Sidoo kale Gegida diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga malaha qol salaad lagu tukado iyadoo aynu ognaha in garoonka Bole ee magaalada Addis Ababa uu leeyahay qol loogu talagalay in salaada lagu tukada waxaa weliba sii dheer oo loo sameeyay goob lagu weyso qaato oo si casri ah loo sameeyay.Maxaa diidaya in Garoonka Jigjiga uu yeesho qol lagu tukado?

Dadkeena waxaa maskaxdooda ku keydsan oo dhaqan gumeysiga ka dhaxleen in laga masaxaa muda ay qaadanayso.Markaad arin dadka iyo deegaankaba dan u ah ku soo hadal qaado waxay ku odhanayaan A-aah war arintaas looma dhawaan karo oo Itoobiya ayaan ogolayn ogoow wax kajirina majiro ee dareen gumeysiga laga dhaxlay weeye.

Dhinaca kale waxaad arkaysaa baahi taagan oo ay dadku ku odhanayaan waa dhib jira laakiin arintan wax ka qabadkeeda dowlada Itoobiya ayay ku xidhantahay.Waa tuma dowlada Itoobiya ee  og baahida Kajirta DDS  ee wax ka qabanaysa hadii xukumada DDS aysan ugudbinin kuna daba gelin.

BOGAADIN IYO DHIIRIGELIN
Waxaan xukumada cusub ee madaxweyne Mustafe ku bogaadinaynaa dhaqangelinta xoriyatul qowlka oo kamid ah xuquuqaha aasaasiga ah ee qofka muwaadinka ahi xaqa uleeyahay.Waaa in shacabka lagu wacyi geliyaa qodobkan iyo in si xor ah oo aan cabsi lahayn usoo bandhigi karaan dareenkooda iyadoo loo sii marinayo telefishinka SRTV.Waa in SRTV uu diyaariyaa barnaamiyo cilmiyaysan oo la xidhiidha xoriyatul qowlka iyo ilaalinta xuquuqul insaanka.

BAAQ
Xukumada cusub ee madaxweyne Mustafe waa in qorsheyaasheeda horumarineed ku darsataa ilaalinta iyo horumarinta arimaha dhaqanka iyo diinta shacabka Dowlad Deegaanka Soomaaliyeed.

Readers Comments (0)

Comments are closed.