hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Madaxda Qaranka iyo AMISOM oo isku raacay la dagaalaka Alshabaab(sawirro)

November 4, 2017   //     //   News517 Views

Madaxda dowlada fadaraalka,kuwa dowlad goboleedyada,safiirada dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia iyo saraakiisha AMISOM ayaa maanta shir xasaasi ah  isugu yimid kaas oo looga tashanayay sidii duulaan balaadhan loogu qaadi lahaa Alshabaab.Madaxda shirkan kaqeyb gashay waxaa kamid ahaa Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha DFS,madaxweynaha Puntland C/weil Gaas,Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hir-shabeelle, Saraakiisha ugu sarraysay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya,AMISOM, Safiirrada dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa.

 Kulankan waxaa looga hadlay amniga guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Inta uu socday kulankaasi waxaa si weyn looga wada-hadlay mideynta qorshaha dagaalka iyo qorshe  lagu cidhibtirayo Al-shabaab, isla markaana waxaa la isla meel dhigay kaalinta AMISOM ay ka qaadanayso dagaalka Soomaaliya lagaga sifaynayo kooxaha nabad diidka ah.

Danjirayaasha dalalka Ciidamada  ay ka joogaan Soomaaliya ee kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada howlgallada ay  ku dhawaaqeen Madaxda Qaranka Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in wadajirka go’aanka iyo qorshaha Madaxda qaranka Soomaaliyeedba ay ku dhiirigalinayso in ay laba laabaan dadaalkooda si ay u xaqiijiyaan nabadgalyada dalkeena Soomaaliya.

Madaxda  qaranka Soomaliyeed ayaa ka midaysan sidii dalka guud ahaantiiba looga cidhib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee dhibaateeyey shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxaana ay Madaxdu isla meel-dhigeen in la mideeyo cududda iyo maskaxda muwaadiniinta Soomaliyeed si loo cidhibtiro kooxahaasi tamarta yar.1 (3) 2 (4) 3 (2) 4 (2)

Readers Comments (0)

Comments are closed.