hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Madaxda DFS iyo kuwa Dowlad goboleedyada oo maanta ka shiray xaalada abaaraha(SAWIRRO)

April 16, 2017   //     //   News822 Views

Madaxda Dawladda Fadaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta ka shiray xaalada abaareed ee kajirta dalka Somalia. kulanka waxaa goobjoog ahaa guddiga gurmadka abaaraha heer Fadaraal.

Gudiga Abaaraha ayaa kulanka kusoo bandhigay lifaaqyo ay ku cad-yihiin lacag walba oo soogaadhay gudiga sida ay u maareyeen, isla markaana ay u gaadhsiyeen meelihii mudnaa in la gaadhsiiyo.

Ra’iisul wasaaraha DFS Mudane. Xasan Cali Khayre oo kahadlay madasha ayaa dhankiisa sheegay in ay Soomaalidu hore u xoraysay dalkeeda iyagoo isku duuban oo halmida kana midaysan Soocelinta xuriyada dalkooda hooyo, maantana sidaasi si lamida loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto gurmadka loofidinaayo dadka abaaruhu sameeyeen.

Dhinaca kale Madaxda kale ee kahadashay kulankani ayaa waxaa ay dhamantood ka midaysnaayeen in meel looga soo wada jeesto gurmadka loo fidinaayo ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatadu haysato, isla markaana aan laga daalin caawimaadooda, gudiga gurmadka abaaraha Soomaliyeedna meel kastay joogaan waxay ku amaaneen shaqada ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.Hoos ka daawo sawiradaIMG_0231

IMG_0239 (2)

IMG_0239

IMG_0245

IMG_0253

IMG_0282

IMG_0285

IMG_0286

IMG_0321

IMG_0328

IMG_0345

IMG_0355

IMG_0377

Readers Comments (0)

Comments are closed.