hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Lataliyihii Amniga Qaranka ee Donald Trump oo iscasilay

February 14, 2017   //     //   News884 Views

flynnMichael Flynn oo ahaa lataliyihii amniga qaranka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa iscasilay kadib markii la ogaaday in xidhiidh aan la ogayn uu la sameeyay safiirka Ruushka ufadhiya Mareykanka Sergey Kislyak.Michael Flynn ayaa la sheegay inuu safiirka kala hadlay cunaqabeyntii xukumadii Obama saartay Ruushka kadib markii lagu eedeeyay in Ruushku jabsaday qoraalo fariimo ah oo masuuliyiinta xisbiga Dimuqraadigu isdhaafsadeen xiligii doorashada.

Michael Flynn oo ahaa saaxib aad ugu dhow Donald Trump ayaa jabiyay qodob kamid ah dastuurka Mareykanka oo dhigaya in muwaadinka caadiga ah uusan faragelin karin cidna kala hadli karin arimaha diblumaasiyada dalka.Waxaa sidoo kale lagu haystaa in xidhiidhka uu la lahaa Ruushka uu ka qariyay madaxweyne kuxigeenka Mike Pence oo aad ugu dooday xiligii laga magacaabayay.

General Keith Kellog ayaa hada si kumeelgaadh ah loogu magcaabay lataliyaha amniga qaranka.

Iscasilaada lataliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Donald Trump ayaa ku soo aaday xili Mareykanku shaki weyn ka qabo dabacsanaanta Donald Trump umuujiyay dalka Ruushka doorashadiisi ka hor iyo kadiba.

Readers Comments (0)

Comments are closed.