hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde

February 15, 2017   //     //   News837 Views

Adan-Cade-Xukumada Dowlada Fadaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar faraya in dhamaan dadka ka dhoofaya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga qaado lacago dheeraad ah si loo taakuleeyo dadka abaaruhu saameeyeen.Dowladu waxa ay sheegtay in dadka udhoofaya gobolada dalka laga qaadi doono 5 doolar oo dheeraad ah halka dadka u dhoofaya meel ka baxsan dalka laga qaadi doono 10 doolar oo dheeraad ah.

Amarkan waxa uu dhaqan gelayaa maalinta Jumcaha waxa uuna socon doonaa muda 3 bilood ah.Lacagtan waxaa si toos uqaadi doonta wasaarada maaliyada iyadoo dadka loo jari doono boono ay ku cadahay lacagta laga qaaday.

Readers Comments (0)

Comments are closed.