hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Jubaland: Xabaddii kal iyo mooyo dhexdooda ka baxday

January 9, 2017   //     //   News1905 Views

Xilliga beeruhu soo go’aan, amin galab ah oo ay qoraxdu sii liiceyso weligaa ma ag joogsatay laba gabdhood oo gashaantimo ah oo inta si fiican garbasaarada dhexda ugu xirtay Galey tumaya, “masagoy masagow, masagoy cadcadey, caano geel ka cadeey, culimaa ku cuntaa“ Mooyo salballaaran oo dabada loo geliyay god yar si uuna u nuuxsanin, ka dibna lagu tig-dhabay si talan-taali ah laba Kalood oo aad u misaan culus, Mooyuhuna waa Garase ogow. Daqiiqado ka dib marki ay isku dheceen jiibta gabdhada iyo jugta Kasha iyo Mooyaha galeydi ma noqotay digo iyo dambas.
Markaas sow in lagu rogo ma aha Masaf weyn oo suus qaad ah, si loo haadiyo/ loo kala sooco buushada/toxob/qolof iyo falfaliirka.

Xilli aadan fileynin in wax bad qaba ka soo bixi doono Mooyahaas mur ma soo tiri xabad galey ah oo bad qabta, amaba ah sidii sabuulka looga soo fijilay/dhilay. Naftaada ma la hadashay markaas oo ma is tiri, “walle Alle dilaa dhinta, siduu xabaddan galeyda ah u badbaadiyay ayuu u baadinayaa cidduu doono“

Hadaba akhristow halkaas ayaa assalki hore laga keenay halqabsigan, waxaana ku duceysan jiray islaamaha abaay-sitiyeyda qaba/ madax-shubka/duco, oo dhihi jiray, “Ilaahow naga badbaadi balaayo ideylkeed oo naga dhig xabbadii kal iyo mooyo dhexdooda ka baxday“.

Maamulka Jubaland ayaad moodaa inuu ku sifoobay arinkan, markaan dib u jaleecno marxaladihii uu soo maray tan iyo maalinkii la dhisay iyo xasiloonida siyaasadeed dal iyo dibad iyo tan amni ee uu maanta ku naaloonayo, xilli maamulladii la eegka ahaa, sida Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Hir-shabeele xaalkoodu marayo meel Alow sahal ah.

Maamuladii la dhisay intii ay jiray dowladda hadda waqtigoodu dhamaaday, sida Jubaland, Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Hir-shabeele ayaa marka laga reebo Jubaland sadexda kale waxaa dhistay dowladda federaalka Soomaaliya, qaar ahaan madaxweynaha hadda xilka ka sii degayo mudane Xassan Sheekh Maxamuud, waxaana xilligan sadexdaas maamul ee ay dhistay dowladda federaalka ka taagan qalalaaso siyaasadeed, oo qaarkood aad moodo in looguba talagalay inaysan ka harin madaxweyne Xassan.

Casharka aan ka baraneyno ayaa ah in bulshada soomaaliyeed aanay aqbaleynin maamul kor looga keenay iyo in dib u heshiisiintu tahay lama huraan, sida aan ka baranay maamulka Jubaland oo ku guuleystay arinkaas, Waxaa kaloo hubaal ah in hadii fursad loo siiyo bulshada ku dhaqan maamulladaas Koonfurgalbeed, Galmudug iyo Hir-shabeele ay dib u sixi karaan wixii laga khalday, dib u heshiisiin ballaaranna sameyn karaan sida Jubaland oo kale.
Bishar Haji
b.haji114@hotmail.com

Readers Comments (0)

Comments are closed.