hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Jawaari oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo(Sawirro)

November 7, 2017   //     //   News791 Views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweyne ku xigeen Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale ayaa Madaxweynaha kala qayb galay soo dhawaynta Gudoomiyaha Golaha shacabka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in uu rajayno in shaqo badan ay qabtaan mudada ay kismaayo joogan isla markana ay wadashaqaynta Baarlamaanka Federaalka iyo midka Jubbaland ay si fiican u fal galaan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa bogaadiyay booqashada Gudoomiyaha ee Jubbaland isagoo sheegay in ay yimaadeen Magaaladoodii oo aysan marti ahayn.JLP363848 JLP384848 JLP2838438 JLP2893839 JLP3838483 JLP8383939 JLP39494949

Readers Comments (0)

Comments are closed.