hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Jaamacatul Carab oo baaq udirtay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay

May 16, 2017   //     //   News1130 Views

arab leagueUrurka Jaamacatul Carab ayaa Isniintii shalay ahayd soo saaray qoraal ku aadan 69 sano guuradii kasoo wareegtay maalintii Falastiniyiinta dhulkooda xoog looga raray 15/05/1948.Qoraalkan rasmiga ah ayaa golaha amaanka ee qaramada midoobay loogu baaqay inay ilaaliyaan xuquuqda shacabka reer Falastiin.

“Magaalooyinka iyo tuulooyinka Palestine waxaa la qabsaday 15/05/1948-dii oo ku aadan maanta,maalintaas oo ahayd maalin Yuhuudiyiin gaangs ah ay tacadiyo iyo isir sifeyn kula kaceen shacabka reer Falastiin.Sanadguuradan ayaa kusoo beegantay iyadoo in kabadan 1500 oo maxaabiis oo Falastaniyiin ah ay cunadii ka soomeen,” ayaa qoraalka lagu yidhi.

“Waxaan guul urajeynaynaa Falastiniyiinta iyo Carabta kujira xabsiyada Israel kuwaas u istaagay inay difaacdaan dhulkooda iyo sharaftooda iyagoo ku halgamaya calool madhan kuna rajaweyn in xaqooda ay soo dhacsadaan,”

Jaamacatul Carab ayaa Beesha caalamka ugu baaqday inay Israel lagu qasbo sidii ay ujoojin lahayd tacadiyada ay ugaysanayso shacabka reer Falastiin.

Xabsiyada Israel waxaa la sheegaa inay kujiraan in kabadan 6500 oo Falastiniyiin ah,1500 oo kamid ah oo uu kujiro halgamaaga caanka ah ee Marwaan Barquuti ayaa cunadii ka soomay.Maxaabiistan waxaa kamid ah Haween iyo caruur.

Readers Comments (0)

Comments are closed.