Xaysiis
digg icon delicious icon

Hub loo waday Addis Ababa oo gacanta lagu dhigay

September 22, 2018   //     //   News316 Views

Booliska Dowlada Fadaraalka Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 40 qori oo AK47 ah oo la doonayay in si qarsoodi loo soo geliyo magaalada Addis Ababa.Booliska Dowlad Deegaanka Oromiya ayaa sheegay in darawalkii waday baabuurka hubka siday isku dayay inuu baxsado balse gacanta lagu dhigay.

Booliska wuxuu intaas ku daray in hubka lagu qabto bar kantarool oo ku taala Saluta oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Addis Ababa.

Magaalada Addis Ababa waxaa kajira kala shaki udhaxeeya qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromada,shakigan ayaa yimid kadib markii qulqulatooyin socday dhowr bari ay isaga dileen dad kor udhaafaya 50 ruux.

Readers Comments (0)

Comments are closed.