hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Hay’ada Xuquuqul insaanka oo ka walwalsan xalada dhaxalsugihii hore ee Sacuudiga

July 27, 2017   //     //   News1706 Views
Dhaxal sugaha cusub ee boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Naayif (AP)

Dhaxal sugaha cusub ee boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Naayif (AP)

Hay’ada Xuquuqul insaanka ayaa qoraal udirtay boqortooyada Sacuudiga iyadoo waraaqdaas ku hagaajisay wasiirka arimaha dibada ee Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr.Hay’ada waxay xukumada Sacuudiga ka dalbatay inay kasoo warbixiso xaalada dhaxasugihii hore ee Sacuudiga Maxamed bin Naayif oo la sheegay in xabsi guri laga dhigay tan iyo markii xilka laga qaaday.

Hay’ada ayaa daba socota warbixin wargeyska New York times uu daabacay oo sheegayay in Maxamed bin Naayif iyo gabadh uu dhalay xabsi guri laga dhigay loona diiday inay dalka ka baxaa.Wargeysku wuxuu sidoo kale sheegay in ilaaladii hore ee Maxamed Naayif la badalay laguna badalay ilaalo cusub.

Wargeysku wuxuu warbixintiisa ku sheegay in Maxamed Naayif nooca afgambi ah xilka looga qaaday qodobadii xil kaqaadistiisa loo adeegsadayna uu kasoo shaqeeyay dhaxalsugaha cusub ee Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Hay’adu waxay dhanka kale xustay in Maxamed Bin Naayif nabsi haysto oo wixii uu ku sameyn jiray shacabka Sacuudiga maanta isaga haysato.

Readers Comments (0)

Comments are closed.