Xaysiis
digg icon delicious icon

Haweenka Jubbada hoose oo si kulul oga hadlay Dil kii Caasho (Sawiro)

March 1, 2019   //     //   News729 Views

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Ururka Haweenka Gobolka Jubbada Hoose iyo kan Degmada Kismaayo ayaa waxay si weyn uga soo horjeesteen falkii foosha xumaa ee lagula kacay Caaisho Ilyaas Aadan.

Qaar ka mid ah haweenka Jubbaland ayaa si dareen leh uga hadlay dilkii loo geystay Caaisho Ilyaas Aadan,waxayn tacsi u direen eheladii ay ka baxdey Caaaisho,iyagoona sidoo kale ku baaqay in cadaaladda la horkeeno dadkii geystay falka.

Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Jubbada Hoose Faadumo Aadan Kateella oo kulanka baroor diiqda ah ka hadashay ayaa dowlad goboleedka Puntland ugu baaqdey in ay gacanta ku soo dhigto ciddii ka dambeysay falkii naxdinta lahaa.

Caa`isha oo 12 jir ah ayaa si arxan darro ah loogu diley gudaha Gaalkacyo waxaana wali socda baaritaanno ay wadaan ciidamada Ammaanka Gaalkacyo.

dhanaan (1) dhanaan (2) dhanaan (3)

Wariye Ismaaciil

Jubbaland Kismaayo

 

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.