hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Guuleed:Mooshinka la iga keenay maslaxad uguma jirto dalka iyo dadka Soomaaliyeed

January 9, 2017   //     //   News649 Views

Madaxweynaha lagu dhagan yahay ee Galmudug oo markii ay soo baxday in xildhibaanada baarlamaanka Galmudug mooshin xil ka qaadis ah ka keenaan saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baarlamaanku xaq dastuuri ah uleeyahay in madaxweynaha xilka ka qaadaan balse aan la joogeen xiligeedi.

Hadaladii uu jeediyay Cabdikariin Guuleed waxaa kamid ahaa:-

“Shaki kuma jiro in Baarlamaanku awood uleeyahay awoodihiisa dastuuriga ahna ay kamid tahay in madaxweynaha ay xilka ka qaadaan,in waajibaadka dastuuriga ah ee dastuurka ku qeexan qaataan oo fuliyaan waxaan isleeyahay maanta kuma haboonayn munaasabna kuma ahayn in mooshin noocaas oo kale ah la keeno una malayn maayo arintaas inay dalka iyo dadka Soomaliyeed maslaxo utahay waxaan usoo jeedin lahaa baarlamaanka in arintaas iyada ah dib u eegid aad uweyn ku sameeyo in arintaas loo dareemo loona garto in maanta aysan ku haboonayn isqabqabsi hay’adaha dowliga ah iyo hay’adaha dastuuriga ah inaysan ku haboonayn in dalka marxalada iyo daruufaha uu maraya arimaha noocaas oo kale ah looga turo”

Hadalka madaxweyne Guuleed ayaa yimid kadb markii xildhibaano gaadhaya 50 xildhibaan ay ka keeneen mooshin xil ka qaadis ah.

Readers Comments (0)

Comments are closed.