hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Guuleed oo kursigii laga tikhaantikhiyay

January 10, 2017   //     //   News987 Views

Baarlamaanka maamulka Galmudug oo saaka fadhi ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa shaaciyayay inay xilkii ka qaadeen madaxweynihii Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulanka xilka looga qaaday waxaa shir gudoomiyay gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Galmudug Xareed Cali Xareed waxaana ucodeeyay in xilka laga qaado Cabdikariin Guuleed 54 xildhibaan.

Madaxweynaha xilka laga tikhaantikhitay Cabdikariin Guuleed oo la hadlay qaar kamid ah saxaafada ayaa arintaa ku tilmaamay sharci daro uusan aqbali doonin isagoo ku sababeeyay dhow arimood ah oo kala ah:-

1) In fadhigu ka dhacay meel ka baxsan dhismihii baarlamaanka
2)In fadhiga uusan shirgudoominin gudoomiyihii baarlamaanka
1)Inuusan jirin kalfadhi furan oo baarlamaan xildhibaanadana muda 45 bari ah la fasaxay

Sikastaba ha ahaatee waxaan la ogayn cawaaqibta ay arintani ku yeelan karto jiritaanka maamulka Galmudug oo markii horaba aan rukumo adag ku fadhinin

Readers Comments (0)

Comments are closed.