hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Gudoomiyihii Baarlamaanka Ethiopia oo iscasilay

October 7, 2017   //     //   News1493 Views

abadullaWararka ka imaanaya magaalada Addis Ababa ayaa ku waramaya in gudoomiyihii baarlamaanka Ethiopia Abadulla Gemeda uu iscasilay.Wararku waxay intaas ku darayaan in gudooyimuhu waraaqdii iscasilka ugudbiyay guddiga fulinta ee ururka EPRDF.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in guddiga fulinta ee EPRDF aqbalay iscasilaadii Abadulla dhawaana ay soo sharixi doonaan shaqsigii badali lahaa Abadulla Gemeda oo mudda 10 sano ka badan ahaa gudoomiyaha baaralamaanka Ethiopia.

Si dhab ah looma oga sababta Abadulla Gemeda ku qasabtay inuu xiligan iscasilo balse waxaa jira warar tilmaamaya in arimo shakhsi dartood uu isu casilay.

Readers Comments (0)

Comments are closed.