Xaysiis
digg icon delicious icon

Gaaraa Bidhaan:Yaa Ridday Abdi Ilay?

September 29, 2018   //     //   Media News, News1874 Views

dubadWaa Su’aal u baahan in dad badan ay iswaydiiyaan horta yaa riday Abdi Ilay?

Waxan in badan baraha bulshada ka aragnaa in qolyo badan ay sheegtaan Abdi Ilay in  iyaggu riddeen, sida Dulmidiid, Siraj, Isis iyo odayaal maalmo kooban Addis ku sugnaa  sheegtana in Addis qabow kudillay halgankoodii dartiis guullana sheegta.

Arimahaas haddaba ma saxbaa.

Waxaan rabbaa in aan qoraalkaygan 3 shay u kala qaaddo

1- Yaa riday Abdi Ilay

2-wanaagga iyo Dhaliilaha ay dawladdan cusub la timid muddadan kooban.

3-iyo xaggee haddaba salka ku hayaa khilaafka jigjiga ka taaggan iyo kala shakigga bulshada soo dhexgalay Abdi Ilay ka dib meesha la rabay midowgoodda.Kadibna waxaan ku gunaanaddi Tallo bixin.

Abdi Ilay wuxuu lahaa awoodd kursi oo adag oo ayna lahayn intii isaga ka horaysay, isagoo ay u sahashay xukunkii Tigreegga ee meesha ka baxay xidhiidh is fahan oo dhanwalba ahna uu ka dhaxeeyay.

Wuxuu kale oo lahaa ciiddan isaga si gaar ah uga amarqaata oo tiradooda dhabta ah la isku khilaafo.

Waxaa gacantiisa la soo galiyay hay’adihii  dawladeed ee kala duwanaa oo dhan sida Barlamaanka oo ahayd hay’addii sharci dajinta, Maxkamadihii oo ahaa Hay,adihii Garsoorka iyo Hay,adihii Fulinta oo ahaa wasiiraddii.

Waxay noqotay dawladdii degaanka meel awoodahas qaybsanaa ay hal qof gacantiisa ku soo ururtay, wuxuu doonana ka yeella.

Awoooddahaas qaladka gacanta loogu wada galiyay,haddana si fiican uma adeegsan ee muquunin iyo cabudhin ayuu u isticmaalay.

Arimaas waxaa ka dhashay in dadka deeganka ay la soo darsaaan dhibaatoyin gooni ah oo isugu jirray barakicin, kufsi, dilal aan loo aaba yeellin, xadhig, iyo waliba ciqaab joogta ah.

 

Waxay aqoonyahankii, culimaddii, siyaasiyiintii aan la fikirka ahayn u qaybsameen wax waddanka ka carara, wax la dillo, wax aamusa oo is gaabiya, iyo wax la xidho iyo kuwo markii la gaariwayay dhibka eheladoodii loo wareejiyo.

Haddaba su’aasha iswaydiinta muddan ayaa ah kuwa sheegtay in ay halgamayaal ahaayeen stakeholders marnwalba sheegta xaggee ayay jireen markii 10sanno dadku dhibkan ku dhacayay?

 

Qolyahan oo anigu aan u bixiyay halgamayaasha Facebook-ga ee Qarniga maxay Abdi Ilay mar horre Facebook inoogga xorayn waayeen oo inoo hagradeen.

Waxan arki jirray iyagoo ninwalba Shaah iyo Caffee horyaallo si fiicanna usoo labisto inta live soogallo hadalkooda hees ka horaysiiya, sida erya eryaay, Qabridahar anigaa iska leh iyo iwm. Waxan iswaydiin jirray war yaan wadanka ka xoraysanaynaa? Ma qof dictator ah oo la inna dulsaaray ayan qaabkii aan isu dhaafin lahayn ka hadalnaa misse Ethiopian ka xoroobaynaa oo halgan hubbaysan ayan ku jirnaa.

Qolyahaa ayaa taagerayashoodu u bixiyeen halgamayaal yeeshay mudnaan, uusan lahayn middkii deeganka 10sanno lagu dhibayay.

 

Haddaba ma saxbaa in Abdi Ilay Facebook lagu riday?

Jawaabtu waa maya

Isbedelka Ethiopia ka dhacay laguna muquuniyay nidaamkii uu Abdi Ilay la shaqaysanayay wuxuu sahlay in baalashii Abdi Ilay la riffo, sida Samore Yonis oo hawlgab laga dhigay, General Quarter oo la bedelay iyo walliba Gen Ma’asho oo isna meesha laga saaray.Waxaa isna la casilay Getajow oo Abdi Ilay sheegay in uu dhibka dadka isagu ku amri jirray.

 

Xubnahan awoodda lahaa markay meesha ka bexeen Abdi Ilayna xirrirka dhaw lahaayeen wuxuu yaqiinsaday in uu isna daba socdo.

Booqashadii ugu horaysay ee PM Abiye Ahmed ee degaanka Somalida waxaa loo sheegay Abdi Ilay  in uu xukunka wareejiyo si nabad ah, markaa waxaa xafiiska PM ee Addis dulwareegayay qolyahan halgamayasha Facebook ah oo la diiday in la qaabillo.

 

Halgamayaasha Facebook ee Dulmidiid iyo Siraj oo dannahoodda kacdoon kala duwanaa   ayaa la kulmay fursad qaalli ah, afka qalaadna lagu yiraahdo (Coincidence) oo ah waxay Soomalidu tiraahdo wadd la kulantay,  dhankay rabbeena wax u dhaqaaqay iyadoo dawladda Ethiopia ee Abiy Ahmed hogaamiyo danaheedda ka dhexwayday Abdi Ilay una aragtay in uu jirritaanka Qowmiyadda Oromo khatar ku ahaa kadib markii uu 100kun in ka badan oo Oromo ah ka qixiyay Degaanadda Somalidu degto, loona arkay in dagaallo soo noqnoqaday oo Xadka Somalida iyo Oromadda uu isagu hurrinayo.

 

Waxaa oo dhan waxay caddayn u tahay in Abdi Ilay Addis Ababa laga ridday, iyadoo walliba xadhigga ku dhacay iyo eedaymaha loo haysto ayna ahayn tacaddiyaddii uu Soomalida ugaystay, balse loo xidhay danno Ethiopia hadda  ugaar ah marka aad eeggto eedaymaha loo haysto sida xeer ilaaliyuhu soo gudbiyay iyadoo waliba ay socoto baadhis la xidhiidha hantidii ku burburtay 4thAugst iyo kicinta iyo isku dirka Qowmiyaddo daris ah waa sida lagu haystee.

 

Ma jirrto wax lagaga soodaray xidhaygiisa eedaymaha ay Soomalidu tirsanaysay habba ugu waynaadeen kuwa saxaafadda caalamigga ah ay aad u hadalhaysay dad gooni ahna si gooni ah ugu dhacayay magacyanna loo guba bixiyay xabsiyaddii deeganka ka jirray dhibka sida goonidda ah ugu dhacahayay dartiis.

 

Haddaba ma jirtaa cidd mudnaan gooni ah leh oo Abdi Ilay innagga dulqaaday,  muddana in si gooni ah loo maamuuuso? Jawaabtu waa maya.

 

2-Talaabooyinka Wanaagga ah ay qaaday Dawladdan Cusub.

Waxay soo celisay callankii horre ee Deegaanka.

Waxay meesha ka saartay ererygii Somalida Ethiopia.

Waxay xidhay Jeelkii tacaddigga badan kajiray sumcadd xumaddana usoo jiiday Deegaanka Somalida.

Waxay Soo dhawaysay ururaddii mucaaradka ahaa oo dhan.Waxay xoriyatul qowlkii Ethiopiada kale soo gaadhay deeganka usoo daadajisay taas oo ah xoriyatul qolkas kor ka yimid midda dawaladdana meesha keenay ee ayba ka faa’iiday innaggana ina soo gaadhisay.

Intaas oodhan waa ku amaanan tahay Dawladdan Cusub.

Qaladaadka Dawladdan ay Gashay.

Maamulkii horre oo dhamaantii ay meesha laga saaray iyadoo la waayay cidd xilka lagala wareeggo, xafiisyo qaarkoodna markii furayaalkii la waayay la iska jabsaday.

Aduunka waxaa is bedellla wasiiradda.Agaasimeyaasha wasaaradaha ama xog hayeyaasha joogtada ah oo ay ahayd in shaqada loo daayo, maadama ay xogg rasmi ah wasaaradaha ka hayaan si wasaarad walba ay usahlanaato in wasiirka cusubi shaqada durba ula qabsaddo xogna u hello.Hantidada Dawladda, sida Gaadiidka  oo  shaqsiyaad aan dawladda u shaqaynin ay iska isticmaallaan  iyagoo isu arka halgamayaal guul keenay.

Dawladda oo wax yaabo bulshada cadho siigaliya mar walba ku dhaqaaqda.

3- Xiisada iyo isfahan la’aanta JigJiga xaggay salka ku haysaa?

Isfaham waagga bulshada ayaa waxaa aabo iyo hooyo u ah Damujadiid iyo Siraj oo bulshada si nin jeclaysi iyo eex ah ugu kala sheekeeyay unna kala tusay in xukuumadan cusubi qolyo gooni ah u dhalatay.

Clipyo live ah oo Dulmidiid ayaa sababay in isku dhacyo, dhaawac sababay ay ka dhashaan iyadoo dadkaasi Clipyadoda ay isu jireen kuwo gooddin iyo Dulmi sheegayasho Cusubi ay ku jirtay.

Wiil arintiisu murran badan ay dhalisay Sida la sheegayna qurbaha ka taggay ayaa ka mid ahaa dadka ka kacay carraabinta dadkuu ku xidhnaa ay ku dhiiri galiyeen, dhaawacna ka soo gaaray hurrintii colaaded ee dadka deeganka ka dhex dhalatay.

Hay’adaha Amaanka ee degaanka ayaa dulmidiid ku sheegen in wiilkan uu la shaqaynayay, waa sida ay muuqaladooda ku sheegenne.Madaxda Dulmidiin waxay sheegeen in wiilkan ay booqdeen ayna ogaadeen inuu laamaha amniga la shaqeenayay xabada isaga ku dhacdayna ay ahayd mid dad kale loo waday,waa su’aale dadka xabadaas loo waday haday ku dhici lahay aysan laba Cali weydiiseen tolloow wa ayo?

Su’aasha ayaa ah qof watta Jinsiyadd wadamo kale ma la shaqayn karaa waddan kale laamihiisa amaanka?

Sharcigga uu watto uma saamaxayo in uu waddan kale oo uu Jinsiyadiisa ka tanaasulay qas ka bilaabo, h’ayaddo nabad galyanna ka ag dhawaado, haddii ayna noqon mid spynimo uu isqarinyo.

 

Waxay fadeexo iyo ceeb ku noqon waddanka uu jinsiyadiisa watto iyadoo ayba dhici karto in muwaadininta uu dhibaateeyay hadday safaaradda uu jinsiyadeeda watto la xidhiidhaan in ayba khatar gasho in lagala noqdo Jinsiyaddiisa.

Haddaba qaska jigjiga ayaa salka ku haya qas abuur qolyo Dibbadda ka tagay ay abuureen ayna adag tahay sida shacabka loogga qaban lahaa maadaama ay aaminsan yihiin in isbedlka Uu Abiy Ahmed keenay in ay iyaggu lee yihiin, Abdi Ilayna ayba iyaggu riddeen.

Haddaba hadday sheegashadas sax tahay, AbdiIlayna Faceboog lagu ridday,  kuwa maanta Dawladda cusub ka soo horjeedda Facebook ha iskaga xorreeyaan.

Tallo bixin.

Waxaa jirra isu fiirsasho Deeganka aan dan ugu jirrin unna dhexeeya Xubno dawladii hore taagerayal u ahaa iyo taagerayasha dawladdan  cusub taas oo ku timid markii meesha laga saaray dhamaan maamulkii horre, marka laga reebbo shaqsiyaad kooban oo danno gaar ha laga leeyahay.

Waa in Barlamaanku uu arkaa awoodda uu lee yahay uunna matallaa dadkii soo doortay inta meesha ay joogan  doorashaduna  ku imman inta ay wiil qurbaha ka yimid daba socdaan.

Waa in dawladdu bilowdo soo celinta dhulka Soomalida ee sida qaldan Oromiya loo raaciyay .

Waa in qurba joogtu qaska ka daayaan iyo u shaalaqaynta Shacabka dhibannaa, taasi bedelkeedana ku soo kordhiyaan degaanka Xirfaddo, shaqo abuur, isu soo dhawayn bulsho , haddii kale lala xidhiidhin doono wadamada ay ka yimaaden iyo ta ay la joogaanba si looggu sheeggo in waddan kale uusan ilmihiisa u biilayn, mid kalena qas ka abuuraan iyo isku dul bulsho.

 

In Qurba joogta u sharaxan Qadaraas Qaadashada la mariyo nidaamka Background Screening ama (Disclosure Barring Check) iyadoo la marinayo Safaaradaha wadamadda ay ka yimaadeen si loo hubbiyo Nabadgelyadda Muwaadinka Deeganka.

 

In Lakala saarro nidaamka Dawladda iyo Middka oday Dhaqmeedka ah.

Odayadunna ay ku ekaaddan nidaamka dhaqanka ,dawladduna nidaamka faraha kala baxdaa.

In Dawladda iyo u gudbinta cabashooyinka ay jirraan meelo Muwaadinku umari karro iyaddo uuna marsynin shaqsiyaad lagu tuhmahayo in ay dawladda uga dhawyihiin.

Shaqaalaysiinta, qandaraas bixinta,dhul bixint, iyo wm  waa in uu jirraa nidaamka Equal Opportunityga  ah loona sinaaddaa.

Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan shaqsiyaadkii Ila wadaagay xoggo badan oo deeganka ah waxan si khaas ah ugu sii mahadcelinayaa Eng.Yusuf Adan Hassan oo xoggo iyo macluumad igga maqnaa iggu biiriyay.

 

Waa walalkiin.

Mohamed Hassan Dubad

Dubad5@hotmail.co.uk.

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.