Xaysiis
digg icon delicious icon

Gaara Bidhaan:Oromadu iyadaa mucaarad isugu filan!

October 14, 2018   //     //   Media News, News728 Views

isiyaasa iyo abiyeQormadeena maanta waxaynu diirada ku saareynaa kooxaha iyo ururada kala duwan ee ishuwan ee xili xaadirkan ku sugan deegaanka Oromiya.Kooxahan waxaa kamid ah ODF,OLF,ODP,Jawar/ Qeero iyo qaar kaloo badan.

Dhamaantood waxaa kujira han siyaasadeed iyo sidii ay xukunka ku qaban lahaayeen ama ha noqdo kan deegaanka ama kan dalka.Durba waxaa soo baxay khilaaf udhaxeeya Raysulwasaare Abiye Axmed iyo hogaamiyaha OLF Dawud Ibsa.Labadan nin ayaa isku khilaafay arinta hub ka dhigista dagaalyahanada OLF oo si xoog leh isu hubeynaya.

Wareysiyo kala duwan oo uu saxaafada siiyay Dawud Ibsa ayuu ku sheegay  inaysan suuragal ahayn in hal dhinac dhinaca kale hub kadhigis ku sameeyo arintaas oo amakaag ku noqotay xukumada uu gadhwadeenka kayahay Raysulwasaare Abiye Ahmed.Abiye Ahmed oo hadalka Dawud Ibsa ka jawaabaya ayaa sheegay kooxaha mucaaradku uma baahna inay qoryo isku hubeeyaan ee waxay ubaahanyihiin inay fikir iyo mabaadii isku hubeeyaan.

Waxaa jira warar sheegaya in imaantinka madaxweynaha Eritrea ee Addis Ababa uu la xidhiidho xalinta khilaafka udhaxeeya Dawud Ibsa iyo Dr.Abiye Ahmed.

Kooxaha Oromadu iyagaa mucaarad isugu filan!

Readers Comments (0)

Comments are closed.