hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Ethiopia oo maxaabiis Soomaali ah uduulineysa Muqdisho

July 22, 2017   //     //   News580 Views

somali and itoobiyaDowlada Ethiopia ayaa maxaabiis Soomaali ah oo ay tiradoodu kor udhaafayso 100 dhawaan uduulineysa magaalada Muqdisho.Maxaabiistan oo sida la sheegay dhalinyaro ubadan ayaa ku xidhnaa xabsiga magaalada Jigjiga.Wareejinta maxaabiistan ayaa timid kadib safar uu Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre kutagay magaalada Addis Ababa halkaas oo uu kula kulmay Raysulwasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar.Kulamadan kadib ayay labada dowladood isku afgarteen in maxaabiis kabadan 100 lagu wareejiyo dowlada Soomaaliya.Diyaarad sida maxaabiistan ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka degto garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ka socoto qaban qaabadii lagula wareegi lahaa maxaabiista.

Readers Comments (0)

Comments are closed.