hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Erdogan oo dalalka Muslimiinta ugu baaqay inay caawiyaan Muslimiinta Rohingya

September 10, 2017   //     //   News349 Views

oicMadaxweynaha dalka Turkiga Recep Dayipp Erdogan ayaa dalalka Muslimiinta ugu baaqay inay caawiyaan Muslimiinta Rohingya ee lagu xasuuqayo Myanmar.Madaxweyne Erdogan oo shirka dalalka Islaamka ee OIC kaga qeyb galay magaalada Astana ee dalka Kazakhistan ayaa ku baaqay in wax kasta oo suuragal ah lala yimaada si loo joojiyo cadowtinimada lagu hayo Muslimiinta Rohingya.

“Hay’adaha caalamiga iyo khaas ah inaga dalalkeena Muslimiinta ah waa inaynu si wadajir ah ugu dagaalanaa inagoo wadda kastoo suurtagal ah umarayna sidii aan kujoojin lahayn cadowtinimada lagu hayo Muslimiinta Rohingya,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan oo ka hadlayay shirka dalalka Muslimiinta ee ka furmay Astana.

Madaxweyne Erdogan ayaa horay ubalan qaaday in qadiyada Muslimiinta Rohingya uu hordhagi doona shirka madaxda caalamka ee daba yaaqada bishan ka furmi doono magaalada New York.

Muslimiinta Rohingya ayaa waxaa ku socda gumaad aan kala sooc lahayn oo muda 5 bilood gudahood ah galaaftay nolasha 400 oo ruux halka 270 kun ay uqaxeen dhanka Bangaladhesh.Su’aasha Muslimiintu isweydiinayaan ayaa ah aaway dalalkii reer galbeedka ee ku qadhaaban jiray xuquuqul insaanka.Maxaa qadiyada Muslimiinta Rohingya ka duway Eastimor iyo Koonfurta Sudan ee labadu laga jaray dalal Muslimiin ah mise arintu waa lajiifiyaana banaan marka dadka dhibaataysani noqdaan dad Muslimiin ah!

Readers Comments (0)

Comments are closed.