hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Erdogan oo cambaareeyay go’aanka maxkamada Yurub ku mamnuucday xijaabka

March 17, 2017   //     //   News778 Views

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaaareeyay go’aankii kasoo baxay maxkamada sare ee Yurub ee lagu sheegay in dumarka qaba xijaabka laga mamnuuci karo goobaha shaqada.Madaxweyne Erdogan oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi:-

“Aad baan uga xunahay arintan,waxaad dhahdeen waxaa jira xoriyad diimeed”

“Car wakaase mamnuuca koofiyada ay xidhaan Yuhuudu,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan.

Dhinaca kale wuxuu markale cambaareeyay dowlada Holland qaabkii ay ula dhaqantay qaar kamid ah wasiradiisa.

“Albaabadaanadu way ka xidhan yihiin kuwii wasiiradayda udiiday inay gasho qunsuuliyadaanada.Waxaan xanibaynaa duulimaadyada kuwii xanibay duulimaadkii wasiirkayga,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan.

Readers Comments (0)

Comments are closed.