Xaysiis
digg icon delicious icon

Gaara Bidhaan:War lixda iyo halka maxaa lagu saleeyay!

October 16, 2018   //     //   Media News, News978 Views

liiska golaha wasiirada1Raysulwasaare Abiye Ahmed ayaa golaha Baarlamaanka horgeeyay xubnaha cusub ee golaha wasiirada oo ka kooban 20 wasiir.EPRDF waxay qaadatay 18 kamid ah 20ka wasiir halka Canfarta iyo Soomaalida mid hal loo tuuray.Waa su’aale maxaa lagu saleeyay ama lagu jaangooyay qeybsiga golaha wasiirada? Ma tirada dadkaa,ma dhulkaa mise waa ninkii dhulka jooga dhurwaagu ha qaado!Hadii tiro lagu saleenayo waxay ahayd in Soomaalidu gasho nambarka sadaxaad hadii dhul iyo wax soo saar lagu saleenayayna waxay ahayd inayn koow ama laba gasho, liiskan midna kama muuqato.Madaxweyne Mustafe wuxuu  SRTV ka sheegay  inuu rajeenayo in Soomaalidu xukumada soo socota saami intii hore kabadan heli doonto arintaas ma hayno.Hadalkii rajo gelinta ahaa ee madaxweyne Mustafe  waxba kama ansixin.Waa laba mid un in qaabka ay Soomaalidu isu qiimeynayso iyo aragtida hogaanka OPD/EPRDF  Soomaalida ka qabo uu yahay kaaf iyo kala dheeri iyo in Soomaalidu kamid ahayn Itoobiyada cadaalada iyo sinaanta loo raadino.Sikastaba ha ahaatee waxaa xaqiiq ah in cadaalad daradii Soomaalida lasoo abtirsatay ay weli halkeedii kasii scoto aadna moodo in  Arat kilo iska dhaxasho isuna dardaaranto in Soomaalida ardaaga lagu hayo. Soomaalidu waa qoomiyada sadaxaad tira ahaan waana qoomiyada ugu dhul balaadhan Itoobiya hase ahaatee awood qeybsiga dalka Soomaaida laguma tixgeliyo.Hoos akhriso sida cadaalada darada ah ee Raysulwasaare Abiye uqeybiyay golaha wasiirada.

Oromo                                6wasiir

Amaara                               6wasiir

Shucuubta Koonfureed  4 wasiir

Tigre                                   2 wasiir

Soomaali                            1 wasiir

Canfar                                 1 wasiir

Hoos ka akhriso liiska golaha wasiirada oo dhameystiran.liiska golaha wasiirada

Readers Comments (0)

Comments are closed.