hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Dr.Tedros oo lagu eedeeyay arin culus xili doorashadii maalmo ka hadhsantahay

May 18, 2017   //     //   News1979 Views

tedrosWasiirka hore arimaha dibada Ethiopia Dr.Tedros Adhanom oo ah kamid ah sadex musharax oo utartamaysa madaxa hay’ada caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa hay’ad caafimaad oo caalami ah ay ku eedaysa inuu qariyey daacuun sadax jeer kadhacay dalka Ethiopia xili uu ahaa wasiirka caafimaadka ee Ethiopia.
Dr.Tedros ayaa lagu eedeeyay inuu caalamka ka qariyay daacuun ka dhacay dalka Ethiopia sanadihii 2006,2009 iyo 2011 xili uu ahaa wasiirka caafimaadka ee dalka Ethiopia.

Dr.Tedros oo eedaymahan wax laga weydiiyay ayaa iska fogeeyay arimaha lagu eedeeyay wuxuuna xusay in wixii sanadahaas Ethiopia ka dhacay uu ahaa shuban biyood ka dhacay goobo kadurugsan xarumaha caafimaadka waana sida dowlada Ethiopia ay xiligaas sheegtay hadana ay sheegayso.

Warbixinta lagu eedeeyay Dr.Tedros waxaa soo saaray Lawrence O. Gostin, madaxa O’Neill Institute for National and Global Health Law ee Jaamacada Georgetown University.Ninkan ayaa lataliye u ah Dr.David Nabarro oo udhashay dalka UK kana mid ah sadaxda musharax ee xilka WHO utartameysa.Musharax Dr.Tedros ayaa Dr.Nabarro ku eedeeyay inuu isticmaalayo tabihii lagu yaqaanay gumeystaha loogana gol leeyahay in lagu magac dilo,wuxuuna arintan ku tilmaamay mid lamid ah falkii uu sameeyay madaxii FBI James Comey isbuucyadii udambeeyay ololihii doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka.

Warbixinta lagu eedeeyay Dr.Tedros waxaa lagu xusay in Ethiopia qariso masiibooyinka dabiiciga ah sida cudurada dilaaga ah waxaana warbixinta lagu sheegay in cudurka koleeraha uu hada kajiro gobolada Ethiopia ee deriska la ah Somalia balse ay Ethiopia ay dabooleyso.Gostin oo ah ninka warbixintan shaaciyey ayaa sheegay in sababta uu warbixinta xiligan ugu soo aadiyey ay tahay inuu ka baqay suurtagalnimada in nin musiibo qaran oo dalkiisa ka dhacday qariyay uu madax ka noqdo hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO.

Doorashada madaxa hay’ada caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa dhacaysa 22/05/2017 waxaana ku tartamaya sadex musharax oo kala ah Dr.Tedros oo udhashay dalka Ethiopia,Dr.Nabarro oo udhashay dalka UK iyo Dr. Sania Nishtar oo ah haweenay udhalatay dalka Pakistan.

Dr.Tedros wuxuu wasiir caafimaad ahaa sanidihii 2005-2012 kadibna wuxuu noqday wasiirka arimaha dibada ilaa iyo 2016 oo uu xilkan iska casilay si uu ugu tartamo madaxa hay’ada WHO.

Warbixinta waxaa lagu daabacay wargeyska The New York Times.

Readers Comments (0)

Comments are closed.