hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Donald Trump oo wiil uu soddog uyahay umagacaabay xil muhiim ah

January 10, 2017   //     //   News842 Views

jared-kushnerMadaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald J.Trump ayaa Jared Kushner oo ah wiil uu soddog uyahay umagacaabay la taliyaashiisa sare.Jared Kushner ayaa wuxuu qabaa gabadha Donald Trump ee Ivanka wuxuuna door muhiim ah kasoo ciyaaray ololahii doorashada ee madaxweyne Trump.

Jared Kushner oo 35 jir ah ayaa inta uusan ku soo biiran ololaha doorashada soddogii madax ka ahaa shirkad ganacsiga guryaha ah oo qooyskiisu leeyahay  isla mar ahaantaana wax ka qori jiray wargeyska New York Observer.

Magacaabista Jared Kushner ayaa laga yaabaa in muran cusub dhaliso iyadoo uu jiro sharci soo baxay 1967 oo dhigaya in ninka madaxda ah uusan shaqaalayn karin qooyskiisa.

Readers Comments (0)

Comments are closed.