hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Diyaaradaha Mareykanka oo galabta duqeeyay Alshabaab(+warsaxaafadeed)

November 9, 2017   //     //   News1290 Views

afrikom1Diyaaradaha Mareykanka ayaa abaarihii sagaalkii galabnimo ee maanta waxa ay duqeyn lagu taageerayo dowlada fadaraalka ee Somalia ka gaysteen deegaan katirsan gobolka Bay oo qiyaastii 100km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Warbixin qoraal ah oo kasoo baxday AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntan lagu dilay dagaalyahano katirsan Alshabaab inkastoo aan tiradooda la shaacinin.

Mareykanku waxa uu xusay in duqeyntani ay tahay mid lagu taageerayo howlgalka ciidamada AMISOM iyo kuwa SNA.

Qoraalka waxaa lagu xusay in Mareykanku sii wadi doono duqeymaha uu la beegsanayo Alshabaabo maadaamo ay khatar ku yihiin danaha Mareykanka iyo dalalka jaalka la ah.Warsaxaafadeedka ka soo baxay AFRICOM hoos ka akhrisoafricom

Readers Comments (0)

Comments are closed.