Xaysiis
digg icon delicious icon

Dilkii Suxufi Jamaal Kashoggi iyo wararkii ugu dambeeyay

October 18, 2018   //     //   News782 Views

alassiriBoqortooyada Sacuudiga ayaa ku howlan sidii ay eeda dilka Jamaal Kashoggi ay dusha uga saari lahayd generaal Axmed Al-assiri oo lataliye sare u ah dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ahna saraakiisha sare sare ee hay’ada wardoonka Boqortooyada.

Wararku waxay sheegayaan in Sacuudigu magaca sarkaalkan ugudbiyay dowlada Mareykanka.Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Maxamed Bin Salmaan Generaalka siiyey fariin amar ah oo afka ah oo ahayd in la soo qabto Jamaal Kashoggi lana maraanmaro balse uu howlgalkaasi si khaldan udhacay,

Sida ilo xogogaal ahi sheegeen dilka waxaa geystay 4 kamid ah ilaalada Maxamed Bin Salmaan.

Si kastaba ha ahaatee si culeyska caalamka dhinaca la isaga rido boqortooyadu waxay ku mashquulsantahay sidii eeda dilka looga wareejin lahaa Maxamed Bin Salmaan  dushana looga saari lahaa generaal Axmed Al-Assiri balse waxaana la ogayn sida caalamka loogu qancin doono qorshaha Sacuudigu daaha gedaashiisa ku malmaluuqayo.

Readers Comments (0)

Comments are closed.