hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Diblomaasi Itoobiyaan ah oo laga masaafuriyay Turkiga

December 1, 2017   //     //   News995 Views

mofa itoobiyaWasaarada Arimaha Dibada ee Itoobiya ayaa dalka Turkiga uga yeedhay diblomaasi ka howlgalayay safaarada Itoobiya ee magaalada Ankara.Diblomaasigan oo aan magaciisa la shaacinin ayaa la sheegay inuu dambiyo ku galay magaalada Ankara kadibna u hogaansami waayey booliska magaalada Ankara.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in diblomaasigan oo khamreysan laba jeer shil ku galay magaalada Ankara kadibna booliskii ugu hanjabay inuu dagaal diblomaasiyadeed ka dhex dhalin doono Turkiga iyo Ethiopia wuxuuna diiday in boolisku baadhitaan ku sameeyo.

Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya ayaa gudi usaartay kiiska diblomaasigan waxa ayna sheegtay in falalka noocan oo kale ah aan loo dul qaadan doonin talaabo sharci ahna laga qaadi doono.

Readers Comments (0)

Comments are closed.