hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Dib-udhac kuyimid mashruucii soo saarista Gaaska Dooxada Ogaden (ogaden Basin)(warbixin)

September 29, 2017   //     //   Media News, News2601 Views

gaaska ogadenDib-udhac ayaa kuyimid mudadii loo qorsheeyay in lagu soo saaro laguna dhoofiyo gaaska Hilaala,Genaale iyo Kaalub ee dooxada ogaden  ee gobolada Shabeele iyo Qoraxay ee DDSI.

Dib-udhaca waxaa keenay kadib markii heshiiskii dhexmaray shirkada mashruuca gacanta kuhaysa ee POLY-GCL iyo dowlada Jabuuti uu hakad galay arimo farsamo dartood.Arimahan waxay sababeen inuu dib-udhac kuyimaado fulintii laba kamid ah sadaxdii qeybood ee mashruucu ka koobnaa.

Mashruucu wuxuu ka kooban yahay 3 qeybood oo kala ah:-

1)Sahminta,diyaarinta,dhismaha iyo horumarinta ceelasha gaaska iyo soo saarista gaaska
Qeybtan wax dib udhac ah lagama soo sheegin

2) Dhismaha dhuumooyin isku xidha ceelasha gaaska iyo dekadda Jabuuti
Qeybtan ilaa iyo hada shirkadu ma aysan bilaabin

3) Dhismaha warshidii gaaska lagu sifayn lahaa
Warshadan oo ay ahayd in laga dhiso dekadda Jabuuti ayaan ilaa iyo hada la dhisin

Shirkadu waxay horay ushaacisay in dhoofinta gaasku ay bilaaban doonto daba yaaqada sanadka 2017 hadana arintaas dib ayay udhacday waxay shirkadu  shaacisay in dhoofinta gaasku ay bilaami doonto awalka sanadka 2018.Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in dhoofintii gaasku uu mar kale dib udhacay maadaama oo aan wali la dhisin 2 qeybood oo kamid ahaa mashruuca.Wakhtiga ugu horeeya ee ay suurtagalka tahay in la bilaabo dhoofinta gaaska waa sanadka 2020 waa sida xogihii ugu dambeeyay ay sheegayaan.

Xog kooban oo ku saabsan mashruuca soo saarida iyo dhoofinta gaaska ceelasha Hilaala,Calub iyo Genale(waa magacyada loo yaqaano)

Mashruuca iyo qeybihiisa kala duwan
Mashruucu wuxuu ka kooban yahay 3 qeybood oo kala ah:

* Dhismaha ceelasha iyo soo saarista gaaska
* Dhsimaha dhuumooyinkii isku xidhi lahaa ceelasha iyo dekadda Jabuuti oo ah halka loo qorsheeyay in laga dhoofiyo

* Warshad gaaska lagu sifeeyo oo loo qorsheeyo in laga dhiso dekadda Jabuuti

Mashruuca waxaa fulinaysa shirkad la yidhaahdo POLY-GCL oo laga leeyahay dalka China.
Gaaska sida qorshuhu yahay waxaa loo dhoofin doonaa dalka China awalka sanadka 2020.
Mashruucan waxaa ku baxaysa lacag dhan 4 bilyan oo doolar waana mashruucii ugu lacag badnaa ee abid laga fuliyo dalka Ethiopia.

Readers Comments (0)

Comments are closed.