hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Deg Deg:Kulan xasaasi ah oo hada Villa Somalia uga socda xildhibaanada Beesha Daarood iyo madaxweyne Farmaajo

September 10, 2017   //     //   News654 Views

War deg deg ah oo hada naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kulan ay yeesheen xildhibaanada Beesha Daarood iska dhex qabteen guddi ka kooban 7 xubnood oo xaalada taagan kala xaajooda madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Guddigii iyo madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu hada kulan uga socdaa xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.Madaxweynaha ayaa lagu cadaadinayaa inuu arimaha taagan qoraal kasoo saaro ama uu ka hadlo ka hor kulanka labada gole ee la filayo in maalmaha fooda inagu soo haya uu ka dhaco magaalada Muqdisho. kulanka ka socda Villa Somalia iyo qodobada kasoo baxa kala soco hadii Alle idmo wararkaanaga dambe.

Readers Comments (0)

Comments are closed.