Xaysiis
digg icon delicious icon

Dad ku dhintay Rabshado maanta ka dhacay Addis Ababa

September 17, 2018   //     //   News304 Views

qeerrooWaxaa qeybo kamid ah magaalada Addis Ababa ka socda qax ay qoomiyaha qaar ka qaxayaan guryahooda iyagoo ka cabsi qaba in dhibaato ay kasoo gaadho rabshadaha socda.Maanta waxaa badhtamaha magaalada Addis Ababa isugu soo baxay dad ubadan qoomiyada Axmaarada(Amaara) oo ka cabanayay dhibaatadii dilka,kufsiga iyo boobka ahayd ee dhalinyarada loo yaqaano Qeero ka gaysteen gudaha iyo daafaha magaalada Addis Ababa.Mudaaharadkii maanta ayaa markii dambe rabshado isu badalay waxaana ku naf waayey dad tiradooda lagu sheegay 5 ruux.Tirada guud ee ku dhimatay rabshidihii dhacayay sadaxdii maalmood ee udambeeyay waa 23 ruux.

Taliyaha Booliska dowlada Federaalka Itoobiya General Zaynu Jamaal oo saxaafada uwaramay ayaa sheegay in kooxo dambiileyaal ah ay ku soo dhex dhuunteen dadkii mudaaharaadka dhigayay kadibna ay isku dayeen in qoryihii ay ka dafaan booliska arintaasna ay horseeday dhimashadii meesha ka dhacday.Kooxahan ayaa sida uu taliyuhu sheegay lagu qabtay bam gacmeedyo.

Taliyaha oo soo koobay dhibkii maalmahan ka dhacayay Addis Ababa iyo duleedkeeda ayaa sheegay in

Kooxahan dhibaatada wada ay ku kaceen falal isugu jira dil,kufsi iyo boob hantiyadeed.Wuxuu intaas ku daray in xataa ay ku dhawaaqayeen erayo lid ah ku ah qoomiyadaha qaar.

Kooxahan rabashadaha wada ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin Qeerro waxaana lagu soo waramayaa in boqolaal kooxahan kamid ah gacanta lagu dhigay.

Readers Comments (0)

Comments are closed.