hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Dad ka badan 100 Ruux oo loo xidhay dagaaladii xuduuda Kililada Soomaalida iyo Oromada

November 26, 2017   //     //   News1519 Views

lencho1Dad gaadhaya 103 Ruux ayaa loo xidhay dagaaladii ka dhacay xuduuda kililada Oromada iyo Soomaalida.Wasiirka Warfaafinta dowlada Ethiopia Dr Negeri Lencho ayaa sheegay in dadkan la xidhay oo lagu tuhun sanyahay ku lug lahaanshaha dagaaladii xuduuda ka dhacay ee udhaxeeyay Oromada iyo Soomaalida ay 98 kamid ah Oromo yihiin halka 5ta kalana ay Soomaali yihiin.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in tirada guud ee eedaysanayaasha kilalka Soomaalidu ay tahay 29 kuwaas oo 5 kaliya gacanta lagu hayo halka 24ka kale ee dhimana la baadi goobayo.

Ugu dambayntii waxa uu xusay in dowlada Ethiopia oo kaashanaysa dadka deegaanka dib udejin usameyn doonto dadkii ku barakacay dagaalada.

Readers Comments (0)

Comments are closed.