hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Culeys siyaasadeed oo soo wajahay Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre

July 22, 2017   //     //   News1356 Views

KHAYRE2Raysulwasaare Xasan Cali Kheyre waxaa xafiiskiisa yaala kiisas xasaasi ah oo la doonayo inuu go’aan cad kasoo saaro.Kiisaska xafiiska Raysulwasaaraha la yaala ee la doonayo inuu kala rajaxo waxaa kamid ah khilaafyo udhaxeeya wasiiro iyo agaasimayaal guud.Waa 2 kiis mid maanta ayuu soo shaac baxay halka kan kale la doonayo in xal laga gaadho inta uusan banaanka usoo bixin.Kiiska ugu xasaasisan waa xil ka qaadistii lagu sameeyay xoghayihii joogtada ahaa ee wasaarada arimaha gudaha iyo fadaraalka Yaxye Cali Ibraahim oo ay isku reer yihiin Raysulwasaaraha.Arintan waxaa sii murjiyay kadib markii qoraalo looga soo horjeedo xil kaqaadista Yaxye Cali Ibraahim ay soo saareen wasiiru dowlaha wasaarada iyo wasiir kuxigeenka wasaarada.Arintan ayaa waxay muujinaysaa in wasiiradii xukumada DFS ay qaab qabiil uka jabayn.Indhaha dadka Soomaaliyeed waxay hayaan Raysulwasaaraha iyo qaabka uu uxaliyo khilaafka ka dhex dilaacay wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo fadaraalka iyo ragga isku dayaya inay buriyaan wareegtada kasoo baxday xafiiskiisa.

Readers Comments (0)

Comments are closed.