hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Ciidamada Itoobiya oo ka guuray Dhuusamareeb

April 14, 2017   //     //   News1148 Views

ciidanWararka ka imaanaya xarunta gobolka Galgaduud ee Dhuusamareeb ayaa ku waramaya in ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa Dhuusamareeb ay maanta isagabaxeen fadhiisinkii ay ku lahaayeen magaalada iyagoo ubaxay dhanka xuduuda DDSI la wadaagto gobolka Galgaduud.Wararku waxay intaas ku darayaan in ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Dhuusamareeb uu ahaa mid kedis ah oo aan horay loo sii shaacinin.

Waa magaaladii labaad ee ku taala Galgaduud ee ciidamada Itoobiya isaga baxaan tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo.Ciidamada Itoobiya ayaa bishan horaanteedii faarujiyay magaalada Ceelbuur.

Lama oga in ka bixitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolka Galgaduud ay la xidhiidho arimo siyaasadeed iyo inkale.

Readers Comments (0)

Comments are closed.