Xaysiis
digg icon delicious icon

Cayaartooydii Jubaland oo siweyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo(VIDEO+SAWIRRO)

December 25, 2017   //     //   News2639 Views

cayaartooy3Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay xulka kubada Cagta Jubbaland oo dhawaan ku guulaystay koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka oo noqonaya markii sagaalad ee Jubbaland ay koobkan qaado.

Labada Madaxweyne ku xigeen iyo xubno katirsan golayaasha Dowlada ayaa madaxweynaha kala qayb galay soo dhawaynta Xulka Jubbaland.

Madaxweynahu wuxuu ku amaanay Xulka Jubbaland ciyaar wanaagii ay sameeyeen iyo sida ay uga dhabeeyeen balantii ay qaadeen oo ahayd in koobkan ay marin doonan wadadii lagu yaqiinay.

Madaxweynahu wuxuu xusay in dhamaan balanqaadyadii la sameeyay la fulin doono isla markana aysan maanta ku koobnayn oo xulku uu noqon doono mid dib u habayn balaadhan lagu sameeyo.

Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo xiriirka kubada cagta ayuu Madaxweynahu ku amaanay doorkii lama iloobanka ahaa ee ay hawshan ka qaateen isagoo dhinaca kale u mahad celiyay cid walba oo hawshan gacan ka gaysatay.CAYAARTOOY cayaartooy1 cayaartooy2 cayaartooy3 cayaartooy4 cayaartooy5 cayaartooy6

Readers Comments (0)

Comments are closed.