hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Cabbaas oo Mareykanka uga digay inuusan Qudus u aqoonsanin Caasimada Israel

December 4, 2017   //     //   News373 Views
 Drew Angerer/Getty Images/AFP

Drew Angerer/Getty Images/AFP

Hogaamiyaha Falastiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa dowlada Mareykanka uga digay inaysan Qudus u aqoonsanin caasimada Israel.Cabbaas waxa uu sheegay in arintani caqabad ku noqon doonto dhexdhexaadinta Mareykanka ee geedi socodka nabada ee Bariga dhexe.

Cabbaas waxa uu xusay in Qudus oo loo aqoonsado caasimada Israel ay tahay wax aan la aqbali karin khatarna ku ah geedi socodka nabada Bariga dhexe.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in khudbad uu Trump jeedin doono maalinimada Arbacada ku shaacin doono in Qudus tahay caasimada Israel una rari doono safaarada Mareykanka ee hada ku taala magaalada Telaviv.

Israel oo xoog ku haysata magaalada Qudus ayaa aaminsan in Qudus tahay caasimada Israel halka Falastiniyiinta iyo caalamkuba Qudus u aqoonsanyahay magaalo kamid ah dhulka Falastiniyiinta ee Israel xooga ku haysato.

Readers Comments (0)

Comments are closed.