hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Caalamka oo ka gilgishay go’aanka Donald Trump iyo Golaha Amaanka oo ka shiraya

December 7, 2017   //     //   News666 Views

SAWIRKA TRUMPInta badan madaxda caalamka ayaa si isku mid ah uga gishay hadalkii masuuliyada darada ahaa ee ka soo yeedhay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa inuu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimada Israel una rari doono safaarada Mareykanka ee hada ku taala magaalada Telaviv.Hadaba caalamku muxuu ka yidhi go’aanka Trump

Sacuudi Carabiya:Qoraal ka soo baxay boqortooyada Sacuudiga ayaa go’aanka Trump ku tilmaamay cadaalad daro iyo qayru-masuulnimo

Faransiiska,Jarmalka iyo UK waxa ay sheegeen inaysan taageersanayn go’aanka ka soo yeedhay Donald Trump

Dalalka Turkiga Malaysia iyo Pakistan ayaa cambaareeyay go’aanka Trump.

8 kamid ah xubnaha  Golaha Amaanka ayaa isugu yeedhay kulan deg deg ah oo laga yeesho go’aanka Donald Trump,wuxuuna kulankan dhacayaa maalinta Berri ah.

Golaha Jaamacada Carabta ayaa maalinta Sabtida ah kulan deg deg ah ka yeelan doona go’aanka ka soo baxay Donald Trump

 

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.