Xaysiis
digg icon delicious icon

Booliska Kenya iyo FBI oo galay madaraso ku taalla Mombasa

December 20, 2017   //     //   News862 Views


Booliska Kenya iyo ciidammo dalal kale ka socda ayaa galay madaraso ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxayna xireen ku dhowaad 100 ardey.

Warbaahinta gudaha ee Kenya ayaa soo xigtay boolis sheegaya in weerarka uu qeyb ka yahay ladagaallanka wax ay ugu yeereen argagixisada.

Howlgalka oo Talaadadii la fuliyay waxaa qeyb ka ahaa booliska Kenya, ciidamada FBI-da Mareykanka iyo kuwa UK ee loo garanayo Scotland Yard.

Inkastoo booliska Kenya ay ka gaabsadeen in ay arrinta ka hadlaan, hadana hoggaamiyayaasha culimada iyo goob joogayaal ayaa sheegay in afar macallim iyo ku dhowaad 100 ardey ay yihiin kuwa la xiray.

Wargeyska gaarka loo leeyahay ee The Star ayaa ku warramay in ciidamada ay haysteen warar sir ah oo sheegaya in madarasada “lagu xagjireynayay caruurta”.

Sheekh Xasan Cumar oo ka mid ah mas’uuliyiinta golaha iimaamyada, oo sidoo kale galaangal wayn ku leh Kenya, ayaa sheegay in “been ay tahay” eedaha la xiriiro in Madarasada ay ku sugnaayeen dad ka mid ahaa ururka la baxay Khilaafada Islaamka, oo ka soo noqday Suuriya.

Nin gacantiisa ku qoray Kitaab Qur’aan ah oo dhererkiisu yahay 700 mitir
Iskuullada Muslimiinta ‘waa in ay bixiyaan casharada Furriinka’
Madarasada waxaa lagu magacaabaa Al-Falaax, waana meel ay caruurta ku xifdiyaan qur’aanka Kariimka ah, Sida uu BBC Somali u sheegay Sheekh Xasan Cumar.

“Waa la dacweyn rabaa, maxkamad baa la geyn rabaa, mana garaneyno wax lagu haysto”, ayuu yiri.

Waxaa loo maleynayaa in caruurta qaar ee Madarasada dhigayay ay ka yimaadeen qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka, sida Mareykanka iyo Britain.

Culimo ka hadashay Madarasada ay ciidamada galeen
“Argagixiso iyo wax ay shaqo ku leeyihiin ma ahan, quraankaas ay xifdinayaan unbay ka xun yihiin, been iyo kadaa’ib waaye, wax ka jirana ma lahan”, ayuu yiri Sheekh Xasan Cumar oo ka hadlayay eedaha loo jeediyay madarasada.

Qaar ka mid ah caruurta ayaa la geeyay maxkamad, waxaana waalidiinta la weydiiyay in ay keenaan warqadaha dhalashada ee cadeynaya in ay caruurtooda yihiin. 33 ayaana la sii daayay illaa iyo hadda.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in Madarsada ay diiwaan gashan tahay, ayna wax barto caruur laga kala keenay daafaha Caalamka oo la baro Qur’aanka.

Xigasho:BBCSomali

Readers Comments (0)

Comments are closed.