hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Xildhibaanada Galmudug oo ufadhiya xil ka qaadista madaxweyne Cabdikariin iyo xiisad ka taagan Cadaado

January 10, 2017   //     //   News349 Views

Waxaa magaalada Cadaado ka socda kulan baarlamaanka Galmudug isugu yimid kaas oo looga doodayo  mooshin xil ka qaadis ah oo laga keenay madaxweynaha maamulkaas Cabdikariin Xuseen Guuleed.Gudoomiye kuxigeenka baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo kulankan furay ayaa sheegay ayaa ka hadlay ajandaha kulanka maanta isagoo sheegay in kulanka maanta dood la gelin doona mooshinkii xil ka qaadista ee xildhibaanadu ka keeneen madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Fadhiga ka socda Cadaado ayaa wuxuu xiisad ka dhaliyay magaalada waxaana lagu soo waramayaa in ciidamo ka socda nabadsugida ay isku dayeen inay hor istaagaan kulanka halka ciidan boolis ah ay ilaalinayaan kulanka.Kulankii wali wuu socdaa waxaana socota khudbadaha ay jeedinayaan xildhibaanada taageersan xil ka qaadista madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Wararka kasoo kordha magaalada Cadaado dib ayaan kasoo tabin doonaa.

Readers Comments (0)

Comments are closed.