hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Magaalada Dhuusamareeb oo looga dhawaaqay Baarlamaan cusub

January 10, 2017   //     //   News590 Views

tug
Maamulka Ahlu Sunna wal Jamaaca oo asaga sheegta inuu yahay dowladda sharciga ah ee ka jirta gobolada dhexe islamarkaana aan aqoonsaneyn maamul goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horeysay gole baarlamaan uga dhawaaqay magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah.

Baarlamaankan oo ay soo xuleed odayaal dhaqameed taabacsan maamulka Ahlusunna ayaa ka kooban 65 xibnood waxaana gudoomiye loogu doortay nin lagu magacaabo Shaacir Sheekhoow Max’ed.

Ku dhawaaqidda baarlamaankan cusub ayaa ku soo aaday xilli muran iyo is qabqabsi xoogan uu ka jiro magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulka Galmudug, iyada maantana xildhibaano ku shiray magaaladaas ay sheegeen inay xilki ka xayuubiyeen madaxweyne Cabdi Kariim Xuseen Guuleed.

Readers Comments (0)

Comments are closed.