hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Alshabaab oo la wareegay Beledxaawo

September 11, 2017   //     //   News538 Views

Wararka ka imaanaya degmada Beledxaawo ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa ku waramaya in maleeshiyaad katirsan Alshabaab ay aroornimadii hore ee saaka weerar culus ku qaadeen degmada Beled-xaawo iyagoo dhinacyo kala duwan ka galay magaalada.Wararku waxa ay intaas ku darayaan in weerarkan ku bilowday qarax lala beegsaday goob ciidamada Jubaland kaga sugnaayeen gudaha magaalada kadibna maleeshiyaad farabadan jihooyin kala duwan kasoo weerareen magaalada.

Maamulkii magaalada Beledxaawo iyo ciidamadiisi ayaa ubaxay dhanka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay qabsashada Beledxaawo ee Alshabaab.

Alshabaab waxay sheegatay in qaraxii ugu horeeyay ay ku dileen ku dhawaad 30 askari oo katirsanaa ciidanka Dowlad goboleedka Jubaland.

Readers Comments (0)

Comments are closed.