hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

AKHRISO Qunsuulka Ethiopia ee Hargeysa oo galay gaf diblomaasiyadeed

May 18, 2017   //     //   News2204 Views

Dowlada Ethiopia ayaa gaf dibolomaasiyadeed ka gashay dalka Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya kadib markii uu qunsuulka ufadhiya Hargeysa uu soo saaray qoraal rasmi ah oo ugu hambalyeeyay 26 guuradii kasoo wareegtay markii Somaliland ay iskeed ushaacisay inay ka go’day Soomaaliya.

Qunsuulka Ethiopia ee magaalada Hargeysa gen.Berhe Tesfaye ayaa qoraal kooban uu soo saaray kuyidhi sidan

“Anigoo ku hadlaya magaca xafiiska qunsuuliyada Ethiopia ee Somaliland iyo kaygaba waxaan hambalya udirayaa anigoo sii marinaya wasaarada arimaha dibada dowlada iyo shacabka Somaliland anigoo ugu hambalyeenaya maalinta qaranimada Somaliland ee ku beegan 18ka May ee 2017.Anigoo ku kalsoon inuu sii kobci doono xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal waxaan urajeynayaa horumar iyo Barwaaqo shacabka Somaliland,” ayuu qunsuulku kuyidhi qoraalka.

Waraaqdan ayaa ah gaf diblomaasiyadeed oo dowlada Ethiopia ay ka gashay shacabka iyo dowlada Somalia,waxayna arintani burinaysaa hadalkii Raysulwasaaraha Ethiopia ee ahaa in Ethiopia ay ilaalinayso qaranimada,midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka Somalia.Lama oga in xukuumada Somalia ay arintan ka hadli doonto iyo inkale.Hoos ka akhriso waraaqda qunsuulka Ethiopia.qoraal qunsuuliyada itoobiya

Readers Comments (0)

Comments are closed.