hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

Qaniinyaa qaniinyo kaa fujisa:Agaasime kale oo shaqadii laga joojiyay iyo buuq ka dhex taagan xukumada Somalia(wareegto)

July 23, 2017   //     //   News1874 Views

Xukumada Raysulwasaare Xasan waxaa ka dhex dilaacay khilaaf ba’an oo qaab beeleed uxuub siibtay.Shalay waxaan daabacnay in wasiirka arimaha guduhu shaqadii ka eryay agaasimihii guud ee wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Yaxye Cali Ibraahim.Maanta waxaa nasoo gaadhay wareegto kale oo kasoo baxday wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta oo shaqadii ka joojiyay agaasimihii guud ee wasaarada Axmed Xaaji Cabdi.

Agaasimaha guud ee wasaarada Boostada iyo Isgaadhsiinta oo qoraal dheer oo uu kaga jawaabayo qodobada loo cuskaday in shaqada looga joojiyay uqoray xafiiska Raysulwasaaraha iyo hay’adaha kale ay khuseyso waxaana hada jawaab laga sugayaa Raysulwasaaraha inuu go’aan kasoo saaro khilaafka udhaxeeya wasiirka iyo agaasimaha.

Warbaahinta Dhanaan Media waxay xog ku heshay in 4 agaasime guud shaqada laga joojiyay(laba hawiye ah iyo laba daarood ah) arintan ayaa waxay umuuqataa in xukumadu isu hayso qaab beeleed iyo agaasime agaasime loogu aargudayo.

Hada xafiiska Raysulwasaaraha waxaa horyaala 2 wareegto oo kasoo kala baxday wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka iyo wasiirka Boostada iyo Isgaadhsiinta waxaana laga sugayaa inuu go’aan cad kasoo saaro labada kiis ee horyaala.Hoos ka akhriso wareegtadii shaqada looga joojiyay agaasimaha wasaarada Boostada iyo isgaadhsiinta.
IMG-20170723-WA0012IMG-20170723-WA0013

Readers Comments (0)

Comments are closed.