hormuud.com Xaysiis
digg icon delicious icon

31 Qof oo qaxooti Soomaali ah oo ku le’day duqeyn ka dhacday xeebaha Yemen

March 17, 2017   //     //   News336 Views

doon
Diyaarad Helikobtar ah ayaa duqeysay doon ay saarnaayeen qaxooti Soomaaliyeed.Wararku waxay sheegayaan in 31 qof ku dhinteen duqeyntan.Duqeyntan oo la sheegay inay xalay dhacday ayaa waxaa xaqiijiyay masuuliyiinta Yemen, iyo goobjooge ka badbaaday duqeyntan.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dadkan la laayey ay ahaayeen qaxooti Soomaaliyeed oo ubadan dumar iyo caruur oo ka qaxayay dagaalada Yemn kuna sii jeeday dalka Sudaan.

Doontan ayaa la sheegay inay ka shiraacatay Ras Arra oo ku taala xeebaha gobolka Hodeida ee dalka Yemen laguna duqeeyay meel 50 km ujirta xeebaha Yemen.

Xuuthuyiinta ayaa Sacuudiga iyo xulifadiisa ku eedeeyay in iyagu gaysteen duqeynta.Majiro wax war ah oo kasoo baxay Sacuudiga iyo xulufadiisa oo la xidhiidha duqeyntan.

Yemen waxaa ka socda dagaal udhaxeeya maleeshiyaad shiica ah oo taageero ka helaya Iraan iyo dowlada Yemen oo garab ka helaysa Sacuudiga iyo dalal xulufo la ah.

Readers Comments (0)

Comments are closed.